'Golaha ammaanka' oo shir ka yeelanaya xiisadaha siyaasadda Soomaaliya.

Monday February 22, 2021 - 10:00:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'Golaha ammaanka' oo shir ka yeelanaya xiisadaha siyaasadda Soomaaliya.

    Waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa markale kulan degdeg ah ka yeelanaya xiisadaha siyaasadeed ee ka aloosan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa markale kulan degdeg ah ka yeelanaya xiisadaha siyaasadeed ee ka aloosan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.


Golaha ammaanka ayaa fadhiga ay maanta gelinka dambe ku yeelanayaan magaalada New York waxay diiradda ku saarayaan xasaradaha siyaasadeed ee udhaxeeya dowladda Federaalka iyo kooxaha mucaaradka ah.

James Swan oo ah wakiilka Q.Midoobay uqaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa lafilayaa in uu kulanka ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaaladda Soomaaliya.

Dhinaca kale maamulka Axmed Madoobe ayaa ganafka ku dhuftay in uu ka qeyb galo shir uu dhowaan ku baaqay Max'med Cabdullaahi Farmaajo, warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka 'Jubaland' ayuu ku sheegay in illaa 5 shardi uu ku xirayo ka qeyb galka shirka uu Farmaajo ku baaqay.


Shuruudahaas waxaa kamid ah in marka hore Villa Somalia ay raalli gelin ka bixiso weerarkii ay ku qaadday siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items