Dowladda Imaaraatka Carabta oo xukuumadda Villa Somalia ku timaamtay KMG.

Saturday February 20, 2021 - 16:35:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Imaaraatka Carabta oo xukuumadda Villa Somalia ku timaamtay KMG.

    Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga dowladda Imaaraatka Carabta ayaa lagu sheegay in xukuumadda Abu Dubai ay si aad ah uga xuntahay rabshadihii Muqdisho ka dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga dowladda Imaaraatka Carabta ayaa lagu sheegay in xukuumadda Abu Dubai ay si aad ah uga xuntahay rabshadihii Muqdisho ka dhacay.


Imaaraatka ayaa sheegay in qaabkii ay dowladda Farmaajo ula dhaqantahay kooxaha mucaaradka ah aan la aqbali karin waxayna ku baaqday in dhinacyada is haya ay wadahadal galaan si loo qabto doorashooyin hufan.

Dowladda Imaaraatka ayaa nidaamka Farmaajo ugu yeertay dowlad KMG ah arrinkaas oo muujinaya in xukuumadda Abu Dubai aysan xukuumadda Villa Somalia u aqoonsaneyn dowlad dhammeystiran.

"Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Imaaraadka waxay ugu baaqday dowladda ku meel-gaarka ah iyo dhammaan dhinacyada in ay muujiyaan heerka ugu sarreeya ee is-xakameynta si loo gaaro himilooyinka Soomaaliya ee ah in la dhiso mustaqbal xasilloon oo dadka oo dhan martigeliya," sida ay sheegtay. wakaaladda wararka ee WAM.


Xukuumadda fadhigeedu yahay Abu Dubai ayaa lagu tuhmayaa in ay wadato qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dadaalka ugu jira sidii ay majaraha ugu qaban lahaayeen xilka madaxtinimada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items