Weeraro Askar lagu dilay oo ka dhacay Baydhabo iyo Bariire.

Saturday March 28, 2020 - 20:32:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Askar lagu dilay oo ka dhacay Baydhabo iyo Bariire.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday gobollada Bay iyo Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday gobollada Bay iyo Sh/hoose.


Ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ayaa dhintay 2 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii qarax lagula beegsaday koontaroolka Maanya Fuulka ee magaalada Baydhaba.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax xooggan uu beegsaday goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen ciidamo Boolis ah.

Dhinaca kale weerar hubaysan oo maanta ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose ayaa sababay dhimashada Afar askari iyo dhaawac soo gaaray sedax kale, xoogag katirsan Al Shabaab ayaa wadada ugalay ciidamo ku sugnaan banaanka deegaanka Bariire.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items