Wararka ka imaanaya Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn cusub oo diyaaradaha Mareykanka ay geysteen ay sababtay dhimasho soo gaartay dad shacab ah.
Wariye ku sugan gobolka Bay ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in duqeyn ay diyaarado Drone ah ka geysteen baadiyaha degmada Buula Fuulaay ay sababtay dhimashada 2 qof shacab ah.
Diyaaradaha ayaa illaa laba gantaal lahelay Mooto dhug dhugleey ay la socdeen dad xoola dhaqata ah waxaana isla goobta ku dhintay labadii qof ee labeegsaday, Meydadka dadka dhintay ayaa xalay ku baryay baadiyaha degmada iyadoona saaka aroortii hore la aasay.
Taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM) ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegtay mas'uuliyadda duqeynta shacabka lagu dilay balse sidii caadada u aheyd shacabka uu dilay ayuu ku sheegay dagaalyahanno Al Shabaab ah!
Insha'Allaah waxaan soo gudbin doonaa sawirrada dadka ladilay iyo magacyadooda
Dad Shacab ah oo ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen gobolka Bay.
Wararka ka imaanaya Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn cusub oo diyaaradaha Mareykanka ay geysteen ay sababtay dhimasho soo gaartay dad shacab ah.