Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika oo Carona laga karaantiilay.

Saturday March 28, 2020 - 18:54:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika oo Carona laga karaantiilay.

    Mas'uulka ugu sarreeya Ururka midowga Afrika ayaa lageliyay xaalad Karaantiil ah kadib markii looga shakiyay in uu qabo xanuunka Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uulka ugu sarreeya Ururka midowga Afrika ayaa lageliyay xaalad Karaantiil ah kadib markii looga shakiyay in uu qabo xanuunka Carona Virus.


Muuse Faki oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa shaaciyay in mid kamida howlwadeennada xafiiskiisa laga helay caabuqa Carona kadibna la bilaabay in lakaraantiilo dhammaan mas'uuliyiinta xafiiska.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in uu karaantiilanyahay wuxuuna ugu baaqay dowladaha qaaradda in ay ka taxadaraan caabuqa Carona "Waxaan xaqiijin karaa in mid ka mid ah shaqaalaheyga laga helay cudurka COVID-19, xaalad degan ayuu ku jiraa, tallaabooyin taxadar leh ayaa qaadnay, waxaa nahay Karantiil aniga iyo qaar ka mid ah shaqaalahaā€¯ayuu yiri Muuse Fiki.

 


Qaaradda Afrika ayaa kamid ah meelaha uusan wali dhimasho badan ka geysan caabuqa Carona iyadoona dowladaha qaaradda Yurub,Mareykanka iyo Shiinaha ay la dhibanyihiin COVID19 oo dadka uu dilay ay ka badanyihiin 23,000 oo qof.

Related Items