DEG DEG: Al Shabaab Oo duullaan xoog kugal ah Ku Qaaday Hotelka SYL ee Muqdisho.

Tuesday December 10, 2019 - 21:09:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Al Shabaab Oo duullaan xoog kugal ah Ku Qaaday Hotelka SYL ee Muqdisho.

    Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab ayaa caawa weerar xooggan oo inqimaasi ah ku qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho kaas oo ay daganyihiin wasiirro, xildhibaano iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan DFS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab ayaa caawa weerar xooggan oo inqimaasi ah ku qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho kaas oo ay daganyihiin wasiirro, xildhibaano iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan DFS.


Warar hordhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in koox inqimaasiyiin ah oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay gudaha u galeen Hotelka halkaas ka wadaan toogasho ay ku gummaadayaan saraakiisha iyo madaxda dowladda ee daggan Hotelka.

War kooban oo ka soo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in howlgalkaas ay qaadeen dagaalyahano ka tirsan ciidankooda, islamarkaana uu u dhacay sidoo loo qorsheeyey.

 
Hotelkan ayaa sidoo kale kaabiga ku haya xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana inta badan lagu qabtaa xafladaha iyo shirarka hay'adaha DF.


Wixii soo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa Insha'Allaah

Related Items