Mas'uuliyiin katirsan Maamulka 'Hirshabelle' oo lagu dilay Weerar ka dhacay duleedka Balcad.

Wednesday November 13, 2019 - 08:56:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiin katirsan Maamulka 'Hirshabelle' oo lagu dilay Weerar ka dhacay duleedka Balcad.

    Faah faahin dheeri ah ayaa laga helay weerar gaadmo ah oo ciidamada Xarakada Al Shabaab ay ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin dheeri ah ayaa laga helay weerar gaadmo ah oo ciidamada Xarakada Al Shabaab ay ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.



Wararka ka imaanaya duleedka degmada Balcad ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay mas'uuliyiin katirsanaa maamulka isku magacaabay Hirshabelle.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay weerar qorshaysan ku qaaday tuulo lagu magacaabo Cadayga oo hoostagta deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka oo ahaa mid qorshaysan waxaa si gaar ah loogu beegsaday maamulkii tuulada u qaalbisanaa Hir Shabeelle waxaana goobta lagu dilay gudoomiyihii Cadayga iyo ku xigeenkiisa.



 

Tuulada waxaa ku sugnaa ciidamo katirsan maamulka Hir Shabeelle balse waxaa ka awood roonaaday ciidamada Xarakada Al-Shabaab, dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in xoogaga weerarka geystay ay baaritaanno ku sameeyeen xarumihii ay ku shaqeynayeen mas'uuliyiinta labeegsaday.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay isaga baxeen Cadayga kadib markii ay ku guulaysteen fulinta weerarkan ay ku dileen saraakiisha katirsan maamulka uu madaxda ka yahay Max'med Cabdi Waare.

Maamulka Hir Shabeelle weli kama hadlin dilka masuuliyiintan loogu geystay duleedka degmada Balcad mana ahan markii ugu horraysay ee mas'uuliyiin katirsan maamulka lagu dilo wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.


Like saar Page-ka Somalimemo ee Facebook

 
Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
https://t.me/memomedia
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items