Iska hor'imaad khasaara dhaliyay ayaa banaanka magaalada Boosaaso ku dhaxmaray ciidamo kawada tirsan maamulka isku magacaabay 'Puntland' balse is khilaafay.
Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in xiisada colaadeed ay ka jiraan Boosaaso iyo duleedkeeda, ugu yaraan 5 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa ku dhintay iska hor'imaad kooban oo maanta ka dhacay Koontaroolka Boosaaso.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka yimid dhanka deegaanka Carmo ay weerareen koontaroolka laga ilaaliyo magaalada xarunta u ah gobolka Bari. maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa doonayay in ay gudaha ugalaan Boosaaso si ay u boobaan mid kamida Xarumaha wasaaradda maamulka Puntland oo ay ku sheeganayaan lacago mushaar ah.
Nabadood Suxulle Yaasiin Ismaaciil oo kamida saraakiisha hoggaaminaysa maleeshiyaadka Boosaaso weeraray ayaa Idaacadda VOA-da u sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay dulmiga uga dul qaadi lahaayeen shacabka gobolka Bari sida uu hadalka u dhigay.
Dadka iska hor'imaadka ku dhintay waxaa kamid ah Col. Guduudoow oo ahaa taliyihii Koontaroolka magaalada Boosaaso
Wariyaal ayaa soo sheegay in maleeshiyaadka oo uu wato nin lagu magacaabo Ciise Yulux ay gudaha ugaleen Boosaaso, maleeshiyaadkan ayaa ilaala u ah shirkad lagu magacaabo PDG oo dhanka saadka uqaabilsanaa ciidamada badda maamulka Puntland.
Like saar Page-ka Somalimemo ee Facebook
Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
https://t.me/memomedia
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Taliyihii Koontaroolka Boosaaso oo la dilay iyo maleeshiyaad hubeysan oo weerar qaaday.
Iska hor'imaad khasaara dhaliyay ayaa banaanka magaalada Boosaaso ku dhaxmaray ciidamo kawada tirsan maamulka isku magacaabay 'Puntland' balse is khilaafay.