Dowladda Farmaajo oo Jawaab ka bixisay Hanjabaaddii uu jeediyay Shariif Sheekh Axmed.

Monday November 11, 2019 - 10:53:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Farmaajo oo Jawaab ka bixisay Hanjabaaddii uu jeediyay Shariif Sheekh Axmed.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab daciif ah ka bixiyay hanjabaaddii iyo eedayntii uu shalay jeediyay Shariif Sheekh Axmed oo horay usoo noqday madaxweynaha VIlla Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab daciif ah ka bixiyay hanjabaaddii iyo eedayntii uu shalay jeediyay Shariif Sheekh Axmed oo horay usoo noqday madaxweynaha VIlla Somalia.


Farmaajo ayaa wasiirka warfaafinta u wakiishay in uu jawaab kooban siiyo Shariif Sheekh Axmed sida uu baahiyay telefeshinka ku hadla afka dowladda.

Max'med Cabdi Xayir Maareeyee ayaa ugu baaqay Shariif in uu sharaftiisa ilaashado uuna meel iska dhigo hadallada xanafta leh ee aan uqalmin sida uu hadalka u dhigay.

"Warka ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waa mid la yaab iyo filanwaa ku noqday ummada Soomaaliyeed kaas oo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada qof hore dalkaan xil astaan qaran u soo noqday” sidaas waxaa yiri Maareeye.


Madaxweynayaashii hore ee dowladda Federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay weeraro dhanka afka ah ku qaadaye Farmaajo iyo Kheyr kadib markii ay saareen cadaadisyo siyaasadeed oo ay dhowr jeer ku xanibeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items