R/Wasaaraha Itoobiya Oo Sheegay in 86 qof lagu dilay Rabshadihii dhacay.

Monday November 04, 2019 - 09:10:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaaraha Itoobiya Oo Sheegay in 86 qof lagu dilay Rabshadihii dhacay.

    Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ka warbixisay khasaaraha ka dhashay rabshado bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Addis Ababa iyo hareeraheeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ka warbixisay khasaaraha ka dhashay rabshado bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Addis Ababa iyo hareeraheeda.


Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha Itoobiya ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Addis Ababa ku sheegay in dad ku dhow 100 qof lagu dilay rabshadaha oo dhaxmaray qowmiyado iskasoo hor keedo iyo ciidamada dowladda oo dhinac ah.

Wuxuu sheegay inta qof ee dhimatay islamarkaana dowladdu diiwaan gelisay ay gaarayaan 86 qof balse meesha kama saarin in ay jiraan dad dhintay oo aan la diiwaan gelin.

R/wasaaraha dowladda Xabashida Itoobiya wuxuu qiray in dadka dhintay qaarkood ay ciidamada ammaanka ay toogasho ku dileen "76 qof ayaa ku dhintay iska hor'imaadyadii dadka shacabka ah dhaxmaray halka inta kale ay dileen ciidamada Ammaanka" ayuu yiri Abiy Axmed.

 

Cadaadka dadka ay dowladdu qiratay in ay dishay ayaa gaaraya 11 qof waxaana arrinkaas si aad ah udiiday kooxaha mucaaradka ah oo sheegay in kala bar dadka dhintay ay toogteen ciidamada booliska.

Dadka ku dhintay rabshadihii ka dhacay Itoobiya 23-kii bishii Okotobar badankood waxay kasoo jeedaan qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada, Nin mucaarad ah oo lagu magacaabo Jowhar Mux'med ayaa xukuumadda Itoobiya ku eedeeyay in ay caburinayso mucaaradka.

Tan iyo markii uu xilk qabtay Abiy Axmed ayay Itoobiya luga lagashay fatqalado siyaasadeed,dagaallo qowmiyadeed iyo Inqilaabyo melleteri oo dhammaantood gallaaftay nolosha kumanaan kun oo qof.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items