Roobab Saameyn reebay oo ka da'ay Gobollada Bari iyo Mudug.

Monday November 04, 2019 - 09:10:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Saameyn reebay oo ka da'ay Gobollada Bari iyo Mudug.

    Roobab Mahiigaan ah oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmooyin iyo deegaanno katirsan gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab Mahiigaan ah oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmooyin iyo deegaanno katirsan gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in roobab socday wax ka badan 24 saacadood xiriir ah ay ka da'een degmooyinka Caluula iyo Boosaaso oo dhammaantood dhaca xeebta badda cas.

Dad ku sugan degmada Caluula ayaa sheegaya in roobabka oo daadad watay ay burburiyeen qaar kamid ah guryaha degmada iyagoona geystay waxyeello ubadan burbur.
 

Kaamamka ay deganyihiin dadka barakacayaasha ah ee magaalada Boosaaso ayaa lagasoo sheegayaa duruufo adag oo haysta dadka barakacayaasha ah kadib markii ay roobabku waxyeelleeyeen guryihii cooshadaha ka sameysnaa.


degmooyin katirsan gobollada Sool iyo Sanaag ayaa lagasoo sheegayaa roobab mahiigaan ah, sidoo kale degmooyinka dhaca xeebta ee gobolka Nugaal ayay roobab saacado badan socday ka da'een balse lamasoo sheegin waxyeello ay geysteen.



Deegaanka Towfiiq ee dhaca gobolka Mudug ayay waxyeellada ugu daran ka geysteen roobabka, waxaa la sheegay in daadad ka dhashay roobabka ay la tageen xoolo isugu jira ari iyo geel.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in daadadka roobabka ay burburiyeen guryo walina waxaa taagan cabsi laga qabo in togagu ay biya badan keenaan ayna qaadaan dadka xoola dhaqatada ah ee togagga dhax deggan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items