Video: Fatahaadda Wabiga Shabelle oo saameyn xun ku reebtay Shacabka Magaalada Beled Weyne.

Tuesday October 29, 2019 - 08:39:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Fatahaadda Wabiga Shabelle oo saameyn xun ku reebtay Shacabka Magaalada Beled Weyne.

    Xaalad adag ayaa lasoo daristay tobanaan kun shacab ah oo ku dhaqan magaalada Beled Weyne iyo hareeraheeda kadib markii uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad adag ayaa lasoo daristay tobanaan kun shacab ah oo ku dhaqan magaalada Beled Weyne iyo hareeraheeda kadib markii uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.


Inta badan xaafadaha magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayay isaga barakaceen dadkii deganaa waxaana sare ukacay fatahaadda uu sameynayo wabiga Shabelle.

Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in 24-kii saac ee lasoo dhaafay uu fatahaad xowlli ah sameeyay wabiga waxaana loo sababaynayaa roobab mahiigaan ah oo ka da'ay gobolka iyo degmada Mustaxiil.
 

Kumanaan kun qoysas barakacayaal ah oo ku sugan duleedka Beled Weyne ayaa ka cabanaya duruufo dhanka nolosha ah kadib markii ay kasoo carareen guryahooda iyo dhammaan wixii agabyo ah oo ay lahaayeen.


Qoysaska qaar oo si dhib leh loogasoo badbaadiyay fataahadda biyaha ayaan haysan wax ay uga gabbaadsadaan qaboowga habeenkii dushooda ku dhacaya iyo cayayaanka kaneecada.

Ganacsatada iyo jamciyaadka islaamiga ah ayaa loogu baaqay in ay ugurmadaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan magaalada Beled Weyne, muuqaallo Video ah oo magaalada lagasoo qaaday ayaa muujinayay sida biyaha fatahaadda ay magaalada uga sare mareen.

Hoos ka Daawo Video Muujinaya Fatahaadda Beled Weyne


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items