Meydadka dadkii ku dhintay Doontii ku qallibantay Wabiga Beled Weyne oo wali lala'yahay.

Tuesday October 29, 2019 - 08:33:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydadka dadkii ku dhintay Doontii ku qallibantay Wabiga Beled Weyne oo wali lala'yahay.

    Magaalada Beled Weyne iyo hareeraheeda waxaa wali ka socda baadi goobka loogu jiro sidii loo heli lahaa Meydadka dad badan oo shalay biyaha wabiga ku daatay kadib markii ay laqallibantay doon ay ku safrayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Beled Weyne iyo hareeraheeda waxaa wali ka socda baadi goobka loogu jiro sidii loo heli lahaa Meydadka dad badan oo shalay biyaha wabiga ku daatay kadib markii ay laqallibantay doon ay ku safrayeen.

dadka ku dhintay doonta oo badankood ahaa mas'uuliyiin iyo shaqaale katirsan maamulka Hirshabelle ayaa lagu aasay duleedka Beled Weyne, wararka laga helayo xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in lahelay Meydadka 2 qof balse waxaa illaa iyo hadda raq iyo ruux lagu la'yahay illaa 9 qof.

Wabiga Shabelle oo xalay biya badan keenay ayaa loo aanaynayaa maqnaashiyaha Meydadka waxaana laga cabsi qabaa in biyaha oo hirar xowlli ah ku socda aawgood ay Meydadka ku tuuraan meel boqolaal Kiiloow mitir ka fog magaalada Beled Weyne.

 

Inta badan dadkii kunoolaa magaalada Beled Weyne ayaa isaga barakacay guryahooda waxayna deegaansanayaan tuulooyin hoos yimaad magaalada sida deegaanka Ceel Muslim.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items