Maxkamad 100 Jaydal iyo Masaafurin Ku Xukuntay Nin Kufsaday Gabar.

Tuesday October 29, 2019 - 08:31:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad 100 Jaydal iyo Masaafurin Ku Xukuntay Nin Kufsaday Gabar.

    Maxkamad islaami ah oo taabacsan Xarakada Al Shabaab ayaa xukun ku ridday ruux fal zina ah kula kacay gabar muslimad ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad islaami ah oo taabacsan Xarakada Al Shabaab ayaa xukun ku ridday ruux fal zina ah kula kacay gabar muslimad ah.



Fagaara weyn oo ku yaala degmada Kuunya Baroow ee gobalka Shabeelada hoose waxaa ka dhacay Xad ka mid ah Xuduuda Alle kaasi oo ay fulisay maxkamada Shareecada Islaamka ee Wilaayadaasi.

Xukunkan oo ah Xaddu Zinah waxaa lagu fuliyay Xuseen Xeefoow Xasan oo si xoog ah kaga Zineystay mid ka mid ah Gabdhaha ku dhaqan degmada Kuunya Barroow, maxkamadda islaamiga ah waxaa dacwad usoo gudbisatay haweenay lagu magacaabo Xaawa Muudeey Cali oo ka dacwoonaysa ninka kufsiga ugeystay.



 

Fagaaraha Xadka uu ka dhacay waxaa soo xaadiray Qeybaha Bulshada ku dhaqan degmada kuwaasi oo usoo daawasho tagay fulinta Xadkaasi.

Xuseen Xeefoow Xasan oo aanan guur soo marin ayay Maxkamadu ku xukuntay Boqol Garbaash iyo hal Sano oo Musaafurin ah,waxaa goobta fagaaraha xukunka ka aqriyay Qaadiga Maxkamada Islaamiga ee degmadaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items