Hoggaamiye Katirsan Al Qaacidda Oo Bogaadiyay Weerarkii Al Shabaab Ee Saldhigga Balidoogle [dhageyso].

Saturday October 19, 2019 - 08:01:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiye Katirsan Al Qaacidda Oo Bogaadiyay Weerarkii Al Shabaab Ee Saldhigga Balidoogle [dhageyso].

    Ururka Al Qaacidda Faraciisa dhulka Jaziiradda Carabta gaar ahaan dalka Yemen ayaa bogaadiyay weeraradii dhiigga badan ku daatay ee Xarakada Al Shabaab ay bishan gudaheeda ka fulisay koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Al Qaacidda Faraciisa dhulka Jaziiradda Carabta gaar ahaan dalka Yemen ayaa bogaadiyay weeraradii dhiigga badan ku daatay ee Xarakada Al Shabaab ay bishan gudaheeda ka fulisay koonfurta dalka Soomaaliya.


Mu'asasada Almalaaxim oo ah garabka warbaahineed ee Al Qaacidada Jaziiradda ayaa soo saartay maaddo maqal ah oo ladhageysan karo qadar 10 daqiiqo ah.

Hoggaamiye Sheekh Khubeyb Alsuudaani oo katirsan mas'uuliyiinta Al Qaacidada Yemen ayaa weeraradii Al Shabaab ay ku qaadday saldhigga ciidanka Mareykanka Balidoogle ku tilmaamay kuwa lagu naafeeyay 'duullaanka saliibiga ah' ee Mareykanku uu kusoo qaaday muslimiinta Soomaaliya.

 

Sheekh Khubeyb ayaa ammaanay hoggaanka Xarakada SHM isagoona sallaan iyo bogaadin udiray dhammaan dagaalyahanada Al Shabaab.

Halkan ka degso kalimadda oo Afsoomaali ku tarjuman MP3.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items