Taliye katirsan ciidamada maamulka 'Puntland' oo si dirqi ah uga badbaday qarax ka dhacay Gaalkacyo.

Wednesday October 16, 2019 - 07:32:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye katirsan ciidamada maamulka 'Puntland' oo si dirqi ah uga badbaday qarax ka dhacay Gaalkacyo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in qarax xooggan lala eegtay mas'uul sare oo katirsanaa ciidanka maamulka isku magacaabay 'Puntland'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in qarax xooggan lala eegtay mas'uul sare oo katirsanaa ciidanka maamulka isku magacaabay 'Puntland'.


Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah iyo ilo wareedyo dhanka amniga ah taliyaha saldhigga booliska bartamaha qeybta maamulka Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaa si dirqi ah uga badbaaday isku day dil.

Qaraxa ayaa haleelay gaari uu lahaa Cabdi Hodon Jaamac Shirdoon oo ah taliyaha qeybta bartamaha ee magaalada Gaalkacyo, lama sheegin wax khasaara nafeed ah oo ka dhashay qaraxa..

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa lala eegtay gaariga taliye Cabdi Hodon, ma ahan markii ugu horraysay oo magaalada Gaalkacyo uu ka dhaco qarax lagu beegsado sarkaal ciidan.

 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items