Iska hor'imaadyo Khasaara dhaliyay oo maleeshiyaad hubeysan ku dhaxmaray Ceelasha Biyaha.

Wednesday October 16, 2019 - 07:29:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska hor'imaadyo Khasaara dhaliyay oo maleeshiyaad hubeysan ku dhaxmaray Ceelasha Biyaha.

    Xiisada colaadeed oo u dhaxeeya maleeshiyaad kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka taagan deegaannada dhanka galbeed uga beegan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisada colaadeed oo u dhaxeeya maleeshiyaad kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka taagan deegaannada dhanka galbeed uga beegan magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 2 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah aya ku dhintay iska hor'imaadyo ciidamada Nabad sugidda iyo kuwa maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha dhaxmaray, labada ciidamadan ee dagaallamay ayaa ukala qeybsamay "Koonfur galbeed' iyo kuwa dowladda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka maamulka Koonfur galbeed laga saaray saldhigga booliska deegaanka Ceelasha illaa iyo deegaanka Xaawa Cabdi.

Maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka oo saldhig ku leh deegaanka Siinka dheer ayaa la sheegay in ay isku fidiyeen deegaanka Ceelasha Biyaha, ciidamo daacad u ah maamulka Koonfur galbeed ayaa maanta barqadii amar ku bixiyay in laxiro goobaha ganacsiga deegaanka.

 

Xiisadahan gacan ka hadalka isku bedelay ee kajira deegaannada dhanka galbeed Muqdisho uga beegan ayaa salka ku haya lacago baad ah oo maamulka deegaanka uu kusoo rogay gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ganacsiga.

Ciidamada ku kala sugan Ceelasha Biyaha iyo Siinka dheer ayaa ku loolamaya lacagaha ay canshuuraha ku sheegeen ee ay duldhigeen guryaha shacabka iyo goobaha ganacsiga.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items