Al-Shabaab Oo War Saxaafadeed Kasoo Saaray Duqeyntii Xerada Xalane.

Wednesday October 16, 2019 - 07:24:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo War Saxaafadeed Kasoo Saaray Duqeyntii Xerada Xalane.

    Xarakada SHM ayaa war cusub kasoo saartay weerar madaafiic ah oo dhowaan lagu qaaday saldhigga Melleteriga Xalane ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada SHM ayaa war cusub kasoo saartay weerar madaafiic ah oo dhowaan lagu qaaday saldhigga Melleteriga Xalane ee magaalada Muqdisho.



War Saxaafadeed cinwaan looga dhigay "Soomaaliya waa dhul Muslim ah, waxaana maamuli doona Islaamka oo kaliya” oo kasoo baxay maktabka Warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab, kuna qornaa Luuqada English-ka ayaa looga hadlay weerarkii duqeynta aha barak ee dhawaan ay 'Mujaahidiintu' ku qaadeen Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah taliska ugu weyn ee ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin Soomaaliya, kuna yaalaan xarumaha safaaradaha dowladaha reer galbeedka iyo Qaramada Midoobay.



 

War saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in weerarada banaanka yaalla ee aan cidna daah ka saarneyn ee ay Mujaahidiintu ku beegsanayaan Shisheeyaha ay banaanka soo dhigeen taagdarida iyo xirfad xumada Shisheeyaha, ayna dhanka kale muujiyeen awoodda ay Allaah fadligii Mujaahidiintu u leeyihiin beegsiga goobaha sida aadka ah loo ilaaliyo ee ay xarumaha u ah Shisheeyaha.

"Duqeynta lagu beegsaday Xerada Xalane, gaar ahaan xarumaha QM oo ah taliska ugu weyn ee laga hago saliibiyiinta ku sugan Soomaaliya wuxuu noqonayaa weerarkii 3aad ee muddo labo todobaad gudahood ah lagu qaado saliibiyiinta reergalbeedka ee jooga wadanka” ayaa lagu yiri bayaanka.

War Saxaafadeedka ayaa soo hadal qaaday weerarkii 30-kii bishii la soo dhaafay ee Sept. lagu qaaday saldhigga Baledogle oo ah xerada ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ka joogaan Soomaaliya kaas oo lagu dilay ugu yaraan 121 askari oo American, iyo weerarkii isla maalintaas lagu qaaday Kolonyadii Midowga Yurub oo lagu dilay saraakiil sarsare iyo weliba qaraxyadii lagu beegsaday askarta uu Mareykanku soo tababaray kuwaas oo qaraxyo waaweyn lalal helay xilli ay ku sii jeedaan saldhigga Balidgole, halkaasna looga dilay ugu yaraan 16 askari, lagana gubay ugu yaraan laba gaari oo kuwa dagaalka ah.

"Weeraradan waxay qeyb ka yihiin howlgalada Jihaadiga ee ka dhanka ah saliibiyiinta reer galbeedka iyo dabadhilifyadooda murtadiinta, waxayna markale saliibiyiinta u dirayaan fariin ah in Soomaaliya ay tahay dhul Muslim ah, islamarkaana uu ka talin doono Islaamka oo kaliya, saliibiyiintuna Soomaaliya kama heli doonaan meel gabaad ah intaba ay sii wadaan boobka dhulkeena, la dagaalanka diinteena, faafinta fasaadka, gurashada kheyraadkeena iyo hor istaagga hirgelinta shareecada Islaamka” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ugu dambeyntii bayaanka ka soo baxay XSHM waxaa lagu yiri: "Yoolka ay higsaneyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waa in Umadda Muslimka ah laga difaaco sharta iyo shirqoolada dhagareysan ee saliibiyiinta, waxayna ballan qaadeysaa inay sii laba jibaari doonto weerarada ay ku beegsaneyso gaalada saliibiyiinta ah ilaa inta ay ka xureyneyso dhulalka Muslimiinta kana tirtireyso dulmiga saliibiyiinta, Allaahna wuxuu kitaabkiisa qur’aanka ku yiri:

وقاتلوهم حتى لا تكون فتنة ويكون الدين لله فإن انتهوا فلا عدوان إلا على الظالمين

Duqeyntan oo dhacday horaantii todobaadkan ayaa dhalisay dhimashada 6 ruux iyo dhaawaca 5 kale, kuwaas oo ay ku jiraan Ajaaniib cadaan iyo Afrikaan isuga jira.

Xigasho: Radio Andalus

Related Items