Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga gobolka Sh/dhexe oo Jowhar lagu dilay iyo Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda dilkiisa.

Monday October 14, 2019 - 09:50:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga gobolka Sh/dhexe oo Jowhar lagu dilay iyo Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda dilkiisa.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Xoogag hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gudaha magaalada Jowhar ku dilayMax'med Sugaal Cismaan oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii dhanka amniga gobolka Sh/dhexe ee maamulka 'Hirshabelle'.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadooda amniga ay dileen mas'uul sare oo katirsanaa maamulka isku magacaabay Hirshabelle 'Mujaahidiinta ayaa weerar qorshaysan ku dilay Muxumad Sugaal oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii dhanka Ammaanka Sh/dhexe ee Murtadiinta" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

 

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerareen guriga uu magaalada Jowhar ka deganaa guddoomiye ku xigeenkii dhanka Amniga Sh/dhexe, dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan waxaana xigay rasaas.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items