Xoogag hubeysan ayaa xarunta gobolka Jubbada Hoose ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa maamulka isku magacaabay Jubbalan ee Axmed Madoobe madaxda ka yahay.
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xoogaga hubeysan ay gudaha magaaladaas ku dileen sarkaal katirsanaa Sirdoonnada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in rag hubeysan ay dileen Cumar Daqal oo ku magac dheeraa (Taqiyudiin) kaas oo u shaqeynayay sirdoonnada caalamiga ah islamarkaana xubin firfircoon ka ahaa wasaaradda amniga maamulka Jubbaland.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka Cumar Daqal sida ay baahisay idaacadda Islaamiga Andalus, sarkaalka xalay lagu dilay Kismaayo ayaa sanado ka hor ka goostay Al Shabaab wuxuuna wada shaqeyn dhow lalahaa sirdoonnada Mareykanka iyo kuwa Kenya.
Cumar Daqal ayaa la rumaysanyahay in uu maamulka Axmed Madoobe iyo taliska AFRICOm ka gacansiin jiray dagaalka ka dhanka ah wilaayaatka Islaamiga ah ee kajira Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Jaasuus u shaqeynayay Sirdoonno Caalami ah oo lagu dilay magaalada Kismaayo.
Xoogag hubeysan ayaa xarunta gobolka Jubbada Hoose ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa maamulka isku magacaabay Jubbalan ee Axmed Madoobe madaxda ka yahay.