Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada dowladda.
Qaraxa oo dhacay xilli habeen ah ayaa lala helay gaari ay la socdeen ciidamada Booliska dowladda gaar ahaan kuwa loo yaqaan Haramcad oo qaab ashahaadda ladirirnimo utababaran.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in mid kamida gaadiidka dagaalka oo ay ciidamadu wateen uu gabi ahaantiisba ku burburay qaraxa oo ka dhacay deegaanka Waydoow oo dhanka galbeed uga beegan Muqdisho.
Dhammaan ciidamadii la socday gaariga ayaa noqday dhimasho iyo dhaawac, Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan khasaara dhaliyay.
Ciidamo Katirsan Booliska Dowladda oo duleedka Muqdisho lagu qarxiyay.
Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada dowladda.