Melleteriga Turkiga Oo bilaabay Howlgalka Melleteri ee ka dhanka ah Maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya.

Wednesday October 09, 2019 - 09:43:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Turkiga Oo bilaabay Howlgalka Melleteri ee ka dhanka ah Maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya.

    Kumanaan kun oo kamid ah ciidamada dowladda Turkiga ayaa bilaabay in ay gudaha ugalaan Waqooyiga iyo Bariga wadanka Suuriya si ay ubilaabaan howlgalka loogu magac daray "Guga Nabadda'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan kun oo kamid ah ciidamada dowladda Turkiga ayaa bilaabay in ay gudaha ugalaan Waqooyiga iyo Bariga wadanka Suuriya si ay ubilaabaan howlgalka loogu magac daray "Guga Nabadda'.


Rajed Dayib Erdogaan oo ah madaxweynaha Turkiga ayaa si rasmi ah u iclaamiyay howlgalkan melleteri ee ka dhanka ah Maleeshiyaadka Malaaxidada Kurdiyiinta ee PKK iyo YPG.

Duullaanka Turkiga ee Suuriya ayaa ku bilaawday duqeymo dhanka cirka ah oo ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka Turkiga oo kamid ah kuwa ugu casrisan ee ay haystaan dowladaha mandiqadda Bariga dhexe.



 

Wariyaal ayaa soo sheegay in duqeymo ba'an lagu bartilmaameedsaday saldhigyo maleeshiyaadka Kurdiyiinta ay ku leeyihiin magaalooyinka Ra'sul Ceyn iyo Qaamishili oo dhammaantood katirsan gobolka Al Xasakah. hay'adaha Q.Midoobay ayaa ka digaya in dhibaato bani'aadanimo ay ka dhalato duullaanka Turkiga ee Suuriya.

Wasiirka arrimaha Turkiga ayaa shir jaraa'id ku sheegay in ujeedka howlgalan uu yahay wiiqidda Maleeshiyaad Argagaxisada ah sida uu hadalka u dhigay wuxuuna meesha ka saaray eedaymaha loo jeediyay oo ah in ay beegsanayaan dadka kasoo jeeda qowmiyadda Kurdida.

Bilaabashada duullaanka Melleteriga Turkiga ee Suuriya ayaa yimid maalin kadib markii Donald Trump uu iclaamiyay in uu ciidamadiisa kalasoo baxayo wadanka Suuriya isagoona walaac ka muujiyay mustaqbalka Maleeshiyaadka Kurdiyiinta oo sanadadii lasoo dhaafay xulufo la ahaa isbahaysiga Mareykanku hoggaaminayo.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telgramka

Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items