DF oo sheegtay in laqabanayo doorashooyin cusub oo lagusoo dooranayo Baarlamaanka maamulka 'Jubbaland'.

Sunday October 06, 2019 - 09:19:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF oo sheegtay in laqabanayo doorashooyin cusub oo lagusoo dooranayo Baarlamaanka maamulka 'Jubbaland'.

    Dowladda Farmaajo ayaa markale muujisay in aysan aqoonsanayn maamulka uu Axmed Madoobe madaxda ka yahay ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Farmaajo ayaa markale muujisay in aysan aqoonsanayn maamulka uu Axmed Madoobe madaxda ka yahay ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo.


iyadoo berri munaasabadda Caleema saarka Axmed Madoobe ay dhacayso ayay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka soo saartay warsaxaafadeed ay ku sheegayso in uu yahay qaabkii loosoo xuli lahaa baarlamaanka 2aad ee baarlamaanka 'Jubbaland' si uu usoo doorto madaxweyne cusub.

Qoraalkan ayay dadka siyaasadda falanqeeya ku sheegayaa mid muujinaya fashilka Farmaajo iyo Kheyre kasoo wajahay dagaalka ay kula jiraan hoggaamiyaha maamulka 'Jubbaland'.

 

Siyaasiyiin caan ah iyo xildhibaanno katirsan labada gole ayaa ku sugan magaalada Kismaayo waxayna ka qeyb gelayaan caleema saarka Axmed Madoobe, diyaaraad gaar ah oo uu leeyahay maamulkan daacadda u ah Kenya ayaa wufuudda xafladda ka qeyb galaysay ka daabulaysa gobollada dalka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items