120 qof oo ku dhintay dibad baxyada Rabshadaha wata ee ka socda Wadanka Ciraaq.

Sunday October 06, 2019 - 09:14:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    120 qof oo ku dhintay dibad baxyada Rabshadaha wata ee ka socda Wadanka Ciraaq.

    Waxaa sii xoogeystay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dibad baxyada rabshadaha wata ee ka socda wadanka Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii xoogeystay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dibad baxyada rabshadaha wata ee ka socda wadanka Ciraaq.


Wararka ka imaanaya magaalada Baqdaad ayaa sheegaya in tobanaan qof ay dhinteen kadib markii ciidamada ammaanka ay rasaas ku fureen dad iskusoo baxyo ka dhigayay fagaarayaasha waaweyn ee magaalada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 19 qof ay dhinteen 100 kalane ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii rasaas xooggan lagu furay dad ku dibad baxayay xaafadda Alsadar ee magaalada Baqdaad.
 


Wakaaladaha wararka ayaa sheegay in kumanaan askari oo dheeri ah loo daad gureeyay xaafadda Alsadar oo ah meesha ugu daran oo ay dibad baxyadu ka socdaan.

Hay'adda sheegatay Xuquuqul Insaanka wadanka Ciraaq ayaa tirakoob cusub ku sheegtay in 120 qof ay ku dhinteen dibad baxyada ka socda inta badan gobollada wadanka Ciraaq muddo 6 maalmood gudahood ah.

Dadka iskusoo baxyada dhigaya ayaa ka cabanaya musuq Maasuqa hareeyay wadanka iyo shaqala la'aanta aadka u baahsan, malaayiin qof Shiico ah oo ku dhaqan Koonfurta Ciraaq ayaa wajahaya faqri aan qiyaas laheyn iyadoo la ogyahay in dalkan uu yahay wadanka sedaxaad ee soo saara Naftada ugu badan caalamka.

Related Items