Saldhigyo ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin Gobollada Hiiraan iyo Sh/Hoose oo weeraro xooggan lakulmay.

Saturday October 05, 2019 - 07:26:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyo ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin Gobollada Hiiraan iyo Sh/Hoose oo weeraro xooggan lakulmay.

    Xoogagga Al Shabaabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogagga Al Shabaabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye ku leeyihiin gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in weeraro madaafiic ah iyo kuwa fool ka fool ah ay lakulmeen saldhigyada ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Bariire.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada huwanta ah kadibna waxaa xigay iska hor'imaadyo fool ka fuul ah.

Dhinaca kale saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya ee deegaanka Halgan ayaa weerar aad uxooggan kala kulmay xoogaga XSHM, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas iyo madaafiic ay labada dhinac isdhaafsanayeen.

 

Sidoo kale xoogaga Al Shabaab ayaa sarkaal katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku dilay xaafadda Kaawa Godeey ee degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho, sarkaalka ladilay ayaa caan ka ahaa xaafadda wuxuuna xarig ugeysan jiray dadka sunnadu ka muuqato.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items