Dowladda Talyaaniga oo ka hadashay Weerar ciidamadeeda ku qabsaday Soomaaliya.

Wednesday October 02, 2019 - 08:43:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Talyaaniga oo ka hadashay Weerar ciidamadeeda ku qabsaday Soomaaliya.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Talyaaniga ayay uga hadashay weerar ciidamadeeda shalay lagula beegsaday gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Talyaaniga ayay uga hadashay weerar ciidamadeeda shalay lagula beegsaday gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Wasaaradda difaaca xukuumadda Roma ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in kolonyo kamid ah ciidamadeeda Soomaaliya ku sugan ay shalay lakulmeen weerar qarax.

Dowladda Talyaaniga ma sheegin khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamadeeda kasoo gaaray qaraxii aadka u xooganaa ee shalay ka dhacay afaafka hore ee wasaaradda Gaashaandhigga.

Xarakada Al Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda weerarkan ayaa xaqiijisay in ay ku burburisay 2 gaari oo kamid ahaa sedax gaadiid ah oo ay wateen saraakiisha ciidamada Talyaaniga.

 

Sawirro lagasoo qaaday goobta weerarku ka dhacay ayaa muujinayay burbur xooggan oo gaaray gaadiidka lagu beegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay dagaalyahan naftiis hure ah.

Related Items