Update : Howlgalka ka socda Balidoogle Oo Ku faafay Gudaha Xerada & Khasaare Hordhac Ah Oo la helay.

Monday September 30, 2019 - 12:12:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Update : Howlgalka ka socda Balidoogle Oo Ku faafay Gudaha Xerada & Khasaare Hordhac Ah Oo la helay.

    Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka duullaan ballaaran ku qaaday saldhiga Balidoogle oo ah xerada ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ka dagan yihiin Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka duullaan ballaaran ku qaaday saldhiga Balidoogle oo ah xerada ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ka dagan yihiin Soomaaliya.


Duullaankan oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, iyo koox Inqimaasiyiin ah oo qaraxyada ka dib u daatay xerada ayaa lagusoo waramayaa inuu illaa iyo hadda ka socdo gudaha xerada.

Waxaa jira khasaare xoog leh oo soo gaaray ciidamada Mareykanka ee jooga xerada iyo calooshood u shaqaystayaal halkaas kula sugnaa.

Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidankooda ay gacanta ku dhigeen qaybo farabadan oo kamid ah saldhigga Balidoogle, dagaalkuna uu weli si xooggan uga socdo gudaha xerada.


"Qaraxyada ayaa burburiyay dhul ballaaran oo ka mid ah garoonka kadibna Inqimaasiyiinteena ayaa u daatay xerada, illaa iyo hadana weli wuu socdaa howlgalka. Ciidamadeena ka dagaalamaya gudaha xerada waxay noo xaqiijiyeen in ay kadul talaabsadeen meydad askar badan oo American ah iyo kuwa calooshood u shaqaystayaal ah” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta.

Sida ay Somalimemo u xaqiijiyeen dadka deegaanka qaraxyada lagu daahfuray weerarka ayaa ahaa kuwa aad u waaweyn waxaana jugtooda laga maqlay deegaano badan oo ka tirsan gobolada Banaadir, Sh/hoose iyo Sh/dhexe.

la soco SomaliMeMo si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee howlgalka Balidoogle.

Related Items