Qarax gaari looga gubay ciidamada AMISOM oo ka dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha Muqdisho.

Sunday September 29, 2019 - 09:06:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax gaari looga gubay ciidamada AMISOM oo ka dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha Muqdisho.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray qarax xooggan oo maanta lagula beegsaday gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray qarax xooggan oo maanta lagula beegsaday gudaha magaalada Muqdisho.


Wararka laga helayo xaafadda Suuqa Xoolaha ee Waqooyiga Muqdisho aya sheegaya in qarax miino lagu beegsaday kolonyo ciidamo AMISOM katirsan waxaana gaaray khasaara xooggan sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Qaraxa ayaa haleelay gaari Booyad ah kaasi oo gabi ahaantiisba goobta ku burburay, dad ku sugan halka loo yaqaan (S Company) ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa kadib ay ciidamada AMISOM rasaas ku fureen wadada hareeraheeda.

 

Markii uu qaraxu dhacay kadib ayay ciidamada la weeraray muddo saacada ah goobta ku sugnaayeen iyagoona halkaas ka daad guraystay meydad iyo dhaawacyo, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan ka dhacay waqooyiga Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items