Al Shabaab oo duqeysay Saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee degmada Awdheegle.

Sunday September 29, 2019 - 09:01:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo duqeysay Saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee degmada Awdheegle.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in markale weeraro xooggan ay lakulmeen saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku suganyihiin deegaan katirsan gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in markale weeraro xooggan ay lakulmeen saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku suganyihiin deegaan katirsan gobolkaasi.


Xoogaga Al Shabaab ayaa xalay duqeyn ba'an u geystay laba saldhig oo ciidamada DF-ka iyo kuwa AMISOM ay ka sameysteen banaanka degmada Awdheegle, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic xooggan oo ku hoobanaysay saldhigyada ciidamada shisheeye.

Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa sheegtay in 'Mujaahidiintu' 30 madfac ku duqeeyeen ciidamada jinsiyadaha kala duwan leh ee heysta degmada Awdheegle.

 

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay duqeymahan xalay loo geystay saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee degmada Awdheegle.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items