Sawirro: Xuuthiyiinta Oo guul darro taariikhi ah dhaxal siiyay ciidamada dowladda Sacuudiga.

Sunday September 29, 2019 - 08:51:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Xuuthiyiinta Oo guul darro taariikhi ah dhaxal siiyay ciidamada dowladda Sacuudiga.

    Maleeshiyaadka Kooxaha Xuuthiyiinta ee ka dagaallama wadanka Yemen ayaa qaaday weerarkii ugu xooganaa uguna khasaaraha badnaa ee abid ay lakulanto dowladda Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka Kooxaha Xuuthiyiinta ee ka dagaallama wadanka Yemen ayaa qaaday weerarkii ugu xooganaa uguna khasaaraha badnaa ee abid ay lakulanto dowladda Sacuudiga.


Bayaan melleteri oo Xuuthiyiintu ay soo saareen ayay ku sheegeen in ay dileen in kabadan 500 oo askar Sacuudiyaan ah islamarkaana ay gacanta kusoo dhigeen 2000 oo maxaabiis ah.

Axmed Alsariic oo ah Afhayeenka melleteriga Xuuthiyiinta ayaa warbaahinta usoo bandhigay muuqaallo Video ah iyo sawirro muujinayay dagaalyahanadooda oo ka dagaallamaya gudaha wadanka Sacuudiga islamarkaana gubaya gaadiid gaashaaman.

Xuuthiyiintu waxay caddeeyeen in ay qabsadeen dhul dherirkiisu yahay 350 KM oo katirsan gobolka Janraan ee dalka Sacuudiga, caddeymaha ay soo bandhigeen taageerayaasha Iiraan ee dalka Yemen ayaa dhabar jab weyn ku ah dowladda uu madaxda ka yahay maxa'med Bin Salmaan dhaxal sugaha Sacuudiga.

 

Wakaaladaha wararka ayaa sheegaya in howlgalkan ay qaadeen Xuuthiyiinta uu yahay midkii ugu weynaa tan iyo markii isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraatka ay wadanka Yemen ku duuleen sanaddii 2015.









Related Items