Sedax katirsan Ciidamada maamulka 'Jubbaland' oo ku dhintay iska hor'imaad ka dhacay Cabdalla Biroole.

Wednesday September 25, 2019 - 08:55:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedax katirsan Ciidamada maamulka 'Jubbaland' oo ku dhintay iska hor'imaad ka dhacay Cabdalla Biroole.

    Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaal culus uu galabta halkaas ku dhaxmaray maleeshiyaadka maamulka 'Jubbaland' iyo xoogag katirsa Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaal culus uu galabta halkaas ku dhaxmaray maleeshiyaadka maamulka 'Jubbaland' iyo xoogag katirsa Al Shabaab.


Sida ay sheegeen dad ku sugan deegaanka Cabdalla Biroole dagaal culus ayaa labada dhinac ku dhaxmaray meel ka baxsan deegaanka, daryanka rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa laga maqlayay dhulka howdka ah ee dagaalladu ka dhacayeen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay ku gacan saareeyeen dagaalka islamarkaana ay dileen 3 askari oo katirsanaa ciidamada maamulka Axmed Madoobe islamarkaana ay dagaalka ku qabsadeen saanado hub ah.

 

Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Al Shabaab ayaa sheegtay in hubka lagu furtay dagaalka uu ka mid yahay qori PKM ah iyo dhowr qori AK47 ah, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka maamulka 'Jubbaland' oo ku aaddan weerarkan khasaaraha dhaliyay ee ciidamadoodu ku qabsaday duleedka magaalada Kismaayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items