Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda qarax Askar iyo saraakiil lagu dilay oo Muqdisho ka dhacay.

Wednesday September 25, 2019 - 08:49:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda qarax Askar iyo saraakiil lagu dilay oo Muqdisho ka dhacay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay oo maanta ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay oo maanta ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.


Qaraxa oo maanta barqadii ka dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodon waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in qaraxa lagu dilay sarkaal darajadiisa ciidan ay aheyd 2 xidigle kaasi oo magaciisa lagusoo gaabiyay Faarax Cabdullaahi waxaa sidoo kale qaraxa ku dhintay 2 askari oo kamid ahaa ilaalada sarkaalka sida warbaahinta maxalliga ah sheegtay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saraakiil melleteri ay ku dhaawacmeen qaraxa waxaana kamid ah Korneel Xisbiyoow oo ahaa Hanti dhowraha ciidamada dowladda, sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Fanax oo ah tababare ku xigeenka kuliyadda Jaalle siyaad ayaa isna kamid ah saraakiisha sida xun ugu dhaawacantay qaraxa.

 

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan saraakiisha lagu beegsaday ee ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodon, qaraxan ayaa imaanaya xilli amniga magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo.

ku darso Channelka SomaliMeMo ee Telegramka halkan Guji ama @somalimemo1
 
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items