Wararka ka imaanaya magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in kulan sedax geesood ah uu halkaas ku dhaxmaray madaxda dowladaha Kenya,Soomaaliya iyo Masar kulankaas oo looga hadlayay arrimaha badda Soomaaliya.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Farmaajo waxaa isfaham hordhac ah laga gaaray murunkii ka taagnaa badda Soomaaliya ee udhaxeeyay dowladda Kenya iyo dowladda Federaalka.
Cabdi Fataax Alsiisi oo ah madaxweynaha dalka Masar iyo hoggaamiyaha Ururka Midowga Afrika ayaa Uhuru Kenyaatta iyo Farmaajo ku kulansiiyay xarunta Q.Midoobay, wararku waxay sheegayaan in Farmaajo lagu qasbay in uu tanaasul umuujiyo dhanka Kenya.
"Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeyn doonaa ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska Farmaajo.
Dad badan ayaa aaminsan in Farmaajo uu dabacsanaan umuujiyay dowladda Kenya oo dadaal ugu jirta sidii ay uqaadan laheyd qeyb kamid ah badda Soomaaliya, bisha soo socota ayaa lafilayaa in maxkamadda ICJ ay soo gaba gabayso dhagaysiga dacwada badda.
illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka dowladda Kenya oo ku aaddan waxa kasoo baxay kulanka dhaxmaray Uhuru iyo Farmaajo.
Alisiisi oo kulansiiyay Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta,Maxaa kulanka kasoo baxay?
Wararka ka imaanaya magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in kulan sedax geesood ah uu halkaas ku dhaxmaray madaxda dowladaha Kenya,Soomaaliya iyo Masar kulankaas oo looga hadlayay arrimaha badda Soomaaliya.