Xasan Garguurte "Ammaanadii lagu qabay dowladda Farmaajo waa sii lumaysaa" VIDEO.

Monday September 23, 2019 - 08:38:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Garguurte "Ammaanadii lagu qabay dowladda Farmaajo waa sii lumaysaa" VIDEO.

    Qoob gariir siyaasadeed ayaa ka jira madaxtooyada Villa Soomaaliya saacado kadib markii ay shirar jaraa'id qabteen hoggaamiyaashii soo maray dowladda Federaalka kuwaas oo si kulul uweeraray qaabka maamulka ee Farmaajo iyo Kheyre.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoob gariir siyaasadeed ayaa ka jira madaxtooyada Villa Soomaaliya saacado kadib markii ay shirar jaraa'id qabteen hoggaamiyaashii soo maray dowladda Federaalka kuwaas oo si kulul uweeraray qaabka maamulka ee Farmaajo iyo Kheyre.


Xasan Sheekh Maxamuud oo ah ninkii xilka ku wareejiyay Farmaajo ayaa shir jaraa'id ku sheegay in dowladda ay madaxda ka yihiin Kheyre iyo Farmaajo ay jabisay dastuurka u degsan.

Sidii cadaada u aheyd hoggaamiyaasha dabadhilifyada dowladda Federaalka waxay soo daliishadeen Dastuurka KMG ah ee 'Beesha caalamka' udajisay waxayna sheegeen in xukuumadda hadda jirta ay baal martay dastuurka.

Xasan Gurguurte oo umuuqday in ay isku hadal dhowaayeen Sharif Sheekh Axmed ayaa si maldahan uga shanqariyay dhibaatada ay DF-ka ku hayso shacabka Muqdisho isagoo dhaleeceeyay sida ay wax usocdaan.

 

"Anagaa soo joognay 30 sano oo burbur ah hadaad idinka ka maqneydeen ogaada waxaad heysaan waddadii lagu hungoobay oo lagu dumay ka joogaā€¯ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalladan ay jeediyeen Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Gurguurte ayaa durbadiiba guux siyaasadeed ka abuuray magaalada Muqdisho balse lama oga in ciidamada Nabad sugidda ay guryahooda ku weerari doonaan labadaasi siyaasi iyo inkale si lamid ah weerarkii ay sanado ka hor ku qaadeen Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo kamid ah mucaaradka dowladda.

Hoos ka dhageyso shirka Jaraa'id ee Xasan Gurguurte

Related Items