Al-Shabaab Oo Baahisay Sawirrada Weerarkii Ceel-Saliini, Soona Bandhigtay Xaqiiqda Wixii Dhacay (DAAWO).

Monday September 23, 2019 - 07:58:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo Baahisay Sawirrada Weerarkii Ceel-Saliini, Soona Bandhigtay Xaqiiqda Wixii Dhacay (DAAWO).

    Xilli saraakiil ka tirsan DFS ay si adag u dafireen xasuuqii shalay ciidankooda ku qabsaday saldhigga Ceel-Saliini ee duleedka magalaada Marka, ayaa dhanka kale saaka waxaa maktabka warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab uu faafiyey sawirada weerarkii x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli saraakiil ka tirsan DFS ay si adag u dafireen xasuuqii shalay ciidankooda ku qabsaday saldhigga Ceel-Saliini ee duleedka magalaada Marka, ayaa dhanka kale saaka waxaa maktabka warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab uu faafiyey sawirada weerarkii xooganaa ee lagu qaaday xeradaasi.


Sawirada uu faafiyay maktabka warfaafinta oo la sheegay in ay yihiin kuwo hordhac ah ayaa muuqaal dhab ah ka bixinayay dagaalkii aroornimo ee lagu qaaday saldhigga iyo heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha maleeshiyaatka DF lagu gaarsiiyay weerarkaasi.

Waxaa muuqaallada lagu daawan karaa meydad daadsan gudaha xerada, gaadiid dhowr ah oo ay ganiimeysteen dagaalyahanada Al-Shabaab iyo askar nolosha lagu qabtay oo iyagoo maxaabiis ah la soo bandhigay.


Ciidamada Al-Shabaab oo wata raayada Towxiidka dushana ka saaran gaadiidkii ay ka furteen ciidamada DFS ayaa lagu arkayaa muuqaallada, dagaalyahanada ayaa sidoo kale soo daabulanaya ganiimo fara badan oo ay ka soo rarteen goobta sida laga dheehan karo sawirrada.

Dagaalyahanada ayaa markii ay cagta mariyeen maleeshiyaatkii joogay xerada, soona daabusheen ganiimada, waxay gabi ahaanba burburiyeen xerada, waxaana la arkayaa saldhigga oo ololaya dabna la qabadsiiyey.

Sawirada waxaa ku jiray meydadka askar jirkoodu go go'ay iyo kuwa si foolxun u dhintay kuwaas oo aan qaarkood ka cudur daaraneyno inaan idiin soo gudbin karin.























Related Items