Video+Warbixin: Dowladda Itoobiya oo lagu Wareejisay dhismaha Mashruuca dekadda Garacad.

Thursday September 19, 2019 - 08:09:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video+Warbixin: Dowladda Itoobiya oo lagu Wareejisay dhismaha Mashruuca dekadda Garacad.

    Markii ugu horraysay ayaa lagu dhawaaqay mid kamida Afartii dekadood ee sanad ka hor uu Farmaajo siiyay dowlada Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay ayaa lagu dhawaaqay mid kamida Afartii dekadood ee sanad ka hor uu Farmaajo siiyay dowlada Xabashida Itoobiya.



Maamulka 'Puntland' ayaa shaaciyay in dowladda Itoobiya ay la wareegtay dhismaha dekadda degmada Garacad ee gobolka Mudug bartamaha dalka Somalia.

Munaasabad shalay ka dhacday degmada Garacad ayaa xarigga looga jaray dhismaha dekadda degmadaasi.


Saciid Cabdullaahi Deni oo ah madaxweynaha maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa sheegay in dekaddan ay faa'iido weyn ka heli doonaan dadka deegaanka iyo dowladda Itoobiya isagoo hadlayay ayuu sheegay in mashruuca dhismaha dekadda Garacad uu muddo soo jiitamayay wuxuuna ku sifeeyay "Riyo rumoowday".



Dowladda Itoobiya oo iyana ka hadashay dhismaha dekadda Garacad ayaa sheegtay in faa'iidada ugu weyn uu iyada udhaadhici doonto waxayna ku tilmaamtay guul weyn maadaama Itoobiya ay tahay dal aan dekad laheyn.

Ku simaha Qunsulka Itoobiya qaalbisanaha arrimaha ganacsiga ninka lagu magacaabo Axmed Idris oo khudbad ka jeedinayay munaasabadii dekadda lagu furayay ayaa arrimo badan ka hadlay "Waxaan ka qeyb qaadanaynaa dhismaha dekaddaan oo ah dakadda noo gu dhow dal ahaan islamarkaana aanu ka faa'iidaysan doono" ayuu yiri mas'uulka Itoobiyaanka ah.

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaan qarsan faa'iidada ugu weyn ee ay ku qabto dekadda Garacad waxayna xaqiijisay in ay tahay dekadda ugu dhow oo ay wax kalasoo degi doonaan shacabka Itoobiya kana dhoofsanaan doonaan " Waxaan halkaan ka cadaynayaa dowladda Itoobiya inay ku faraxsantahay kana qeyb qaadan doonto howsha socota, Dekadani waxay noqonaysaa mid Puntland iyo Itoobiya u wada faa'idaysa, faa'iidada ugu badan anagu inaan helno ayaan sugeynaa"sidaas waxaa yiri ku xigeenka qusulka Itoobiya ee Somalia.

 

Dhismaha mashruuca dekadda Garacad oo wax metelaad ah aysan ku laheyn dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa larumaysanyahay in uu qeyb ka yahay heshiiskii Afarta dekadood ee sanaddii 2018 ay wada saxiixdeedn Farmaajo iyo Abiy Axmed.

DF-ka ayaa wajiga ka dadbanaysa in ay goob joog ka ahaato dekadda lagu wareejiyay dowladda Itoobiya balse hoggaamiyaha maamulka Puntland ayaa farxad ka muujiyay dhismaha dekadda Garacad " Shirkii gaal gashi waxa ugu badan ee indhaha lagu hayay dekada Garacad bay ahayd,dadka ganacsiga ka shaqeeyaa waxay arkaan fursad ah in deegaankeena dan laga yeesho fursad bay noo tahay.


isagoo sii hadalyay oo dafirayay shisheeyaha ay ku wareejiyeen dekadda ayuu yiri " Dalkaaga in laga shaqeysto macneheedu ma ahan dalkaagi in la yeeshay, dad badan baa isku qalda oo cabsi ka muujiya inay dad Ajanabiya dhulkaaga maalgashtaan, danteenu waxay ku jirtaan inaan helno dad nala shaqeysta iyo dad aan ka shaqeysano. ".

Halkan ka degso hadalka Qunsulka Itoobiya ee dhagax dhigga dekadda Garacad ama hoos ka Daawo.

Related Items