Xaaf oo ka hadlay Shirkii lagusoo gaba gabeeyay magaalada Dhuusamareeb.

Tuesday September 17, 2019 - 06:59:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaf oo ka hadlay Shirkii lagusoo gaba gabeeyay magaalada Dhuusamareeb.

    Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud waxaa lagusoo gaba gabeeyay shir loogu magac daray dib uheshiisiinta Galmudug kaas oo ay soo qaban qaabisay dowladda Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud waxaa lagusoo gaba gabeeyay shir loogu magac daray dib uheshiisiinta Galmudug kaas oo ay soo qaban qaabisay dowladda Farmaajo.


Shirkan oo muddo socday waxaa lagasoo saaray warsaxaafadeed waxaana madashii lagusoo gunaanadayay ku sugnaa madaxweynaha dowladda Federaalka hoggaamiyaha maamulka Galmudug.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo khudbad ka jeediyay madashii shirka lagusoo gunaanadayay ayaa si toos ah uweeraray wasaaradda arrimaha gudaha oo uu ku eedeeyay in sida ay rabto ay umaaraysay mashaakilkii ka jiray hab dhismeedka maamulka Galmudug.
 


"Wasaaradda Arrimaha Gudaha wixii hadda ka dambeeya Lig Liga ayaan kula heysanaa, waxaa jeclahay, Sharcigana uu dhigaayo, in iyadoo wadajir ah la sameeyo Guddiga Farsamada, maalintii la magacaabayay Guddigan hada jira Sabriye waa soo wacay, wax aa ku iri wax un aan ka wada tashino, in aan marti mar kale noqono ma rabno, caawa marti baa nahay kuligeen haddaa nahay reer Galmudug, Xildhibaanada la xulaya yeysan noqon waxa Xamar laga keeno oo maalintii la rabo loo yeeroā€¯ayuu yiri Xaaf.

Dhinaca kale siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn shirkii kusoo idlaaday magaalada Dhuusamareeb.

Xildhibaanno katirsan DF iyo siyaasiyiin uu kamid yahay Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ka digay in shirka Dhuusamareeb uu noqdo mid lagusoo dhiso 'Galmudug' jeebka ugu jirta Kheyre iyo Farmaajo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items