Madaxweynaha Afghanistan oo isku day dil ka badbaaday kadib weerar lagu beegsaday.

Tuesday September 17, 2019 - 06:46:46 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Afghanistan oo isku day dil ka badbaaday kadib weerar lagu beegsaday.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in si dirqi ah uu weerar uga badbaaday madaxweynaha xukuumadda dabadhilifka ah ee fadhigeedu yahay magaalada Kaabuul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in si dirqi ah uu weerar uga badbaaday madaxweynaha xukuumadda dabadhilifka ah ee fadhigeedu yahay magaalada Kaabuul.


Labada camaliyadood istish-haadi ah ayaa maanta ka dhacay magaalada caasimadda ah ee kaabuul iyo gobolka Barawaan ee istiraatiijiga ah,dagaalyahan naftiis hure ah oo kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa weeraray saldhig melleteri oo kuyaal magaalaa kaabuul waxaana ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

Weerar kale oo isna istish-haadi ahaa ayaa ka dhacay xarun laga qaban qaabinayay barnaamijka doorasho ee musharax Ashraf cali qani oo ah madaxda xukuumadda kaabuul, weerarkaas waxaa ku dhintay ugu yaraan 24 qof oo ubadan saraakiisha ammaanka waxaana kamid ahaa saraakiisha sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha Afghanistan.

 

Imaarada islaamiga Afghanistan ayaa sheegatay mas'uuliyadda labadan camaliyadood ee maanta ka dhacay magaalada Aaabul iyo hareeraheeda,Sheekh Daabiixullaahi Mujaahid oo ah afhayeenka Taliban ayaa warbaahinta u sheegay in camaliyaadka ay qaadeen ay udheceen sidii loo rabay.

Related Items