Al Shabaab oo Muqdisho ku dishay Sarkaal katirsanaa ciidamada Bangaraafta.

Monday September 16, 2019 - 09:54:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Muqdisho ku dishay Sarkaal katirsanaa ciidamada Bangaraafta.

    Weerar hor leh oo ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka ee Mareykanku tababaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar hor leh oo ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka ee Mareykanku tababaray.


Xoogag hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaajidiin ayaa xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodon ku dilay sarkaal katirsanaa ciidamada Bangaraafta kaasi oo tababar kusoo qaatay saldhigga ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ladilay Axmed Sheekh Aadan oo katirsanaa maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan, sarkaalka ladilay ayaa horay degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool ugu dilay dagaalyahan katirsan Al Shabaab xilli halkaas ciidamada shisheeye ay weerar habeen dheelmad ah ku qaadeen.

 

Shalay ayay aheyd markii dilal qorshaysan ay ka dhaceen degmooyin katirsan gobolka Banaadir, Cabdi Deeq oo kamida ahaa saraakiisha madaxtooyada ayay Al Shabaab shalay ku dishay isgoyska Sanca ee degmada Yaaqshiid.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items