Buundada degmada Baardheere oo duntay iyo walaac laga muujiyay.

Monday September 16, 2019 - 09:54:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buundada degmada Baardheere oo duntay iyo walaac laga muujiyay.

    Xaalad adag ayaa ka taagan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo kadib markii ay duntay buundada weyn ee magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad adag ayaa ka taagan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo kadib markii ay duntay buundada weyn ee magaaladaasi.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay kala go'anyihiin laba qeyb ee ay ka koobantahay Baardheere, buundada magaalada ayaa duntay kadib markii ay waysay dayactir.

Waxgaradka Baardheere ayaa sheegaya in maamulka dabadhilifka ee Xabashida taabacsan uusan wax xil ah iska saarin dayactirka buundada taas oo keentay in ay si fudud ku dunto.

waxaa hakad ku jira isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo shacabkii isaga kala gooshi jiray xaafado katirsan magaalada.

 

Buundada degmada Baardheere ayaa dhisan muddo 42 sanadood ah, muddo toban sana ah oo magaalada uu ka jiray maamul islaami ah ayay buundada Baardheere heli jirtay dayactir joogta ah.

Dowladda Siyaad Barre ayaa buundada Baardheere dhistay sanaddii 1977-dii waxaana qandaraaska dhismaha qaatay shirkad laga leeyahay wadanka Holland ee qaaradda Yurub.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items