Qaraxyo gaadiid looga gubay ciidamada AMISOM oo ka dhacay duleedka degmada Balcad.

Monday September 16, 2019 - 09:48:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo gaadiid looga gubay ciidamada AMISOM oo ka dhacay duleedka degmada Balcad.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay lagu weeraray ciidamada shisheeyaha Burundi ee duullaanka ku jooga gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay lagu weeraray ciidamada shisheeyaha Burundi ee duullaanka ku jooga gobolka Sh/dhexe.

Wararka laga helayo duleedyada Waqooyi iyo Koonfureed ee degmada Balcad ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe laba qarax lala helay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada AMISOM.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Cali Yaale oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Balcad wuxuuna qaraxaasi burburiyay gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.

Dhinaca kale qarax xooggan ayaa lala eegtay kolonyo ciidamo Burundeys ah oo ku socdaalayay wadada laamiga ah ee xiriirisa degmooyinka Jowhar iyo Balcad, ilo wareedyo ayaa sheegaya in labada qarax lagu burburiyay gaadiid gaashaaman.

 

Waa maalintii 2aad oo si xiriir ah ay weeraro ula kulmayaan ciidamada AMISOM ee duullaanka ku jooga gobolka Sh/dhexe.

Tobaneeyo askari ayaa isbuucaan gudihiisa ciidamada Burundi looga dilay duleedka Balcad kadib markii ciidamadaas ay lakulmeen weeraro fool ka fool ah iyo qaraxyo miino oo waddooyinka loogu aasay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items