Dowladda Suudaan Oo Yahuudda ugu baaqay in ay dalka dib usoo laabtaan Kaniisadana ka dhistaan!,

Thursday September 12, 2019 - 07:13:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Suudaan Oo Yahuudda ugu baaqay in ay dalka dib usoo laabtaan Kaniisadana ka dhistaan!,

    Markii ugu horraysay dowladda cusub ee ka hana qaadday wadanka Suudaan ayaa sheegtay in ay dalka dib ugusoo celinayso dadka aqaliyadda Yahuudda ee tobanaan sano ka hor wadanka laga eryay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay dowladda cusub ee ka hana qaadday wadanka Suudaan ayaa sheegtay in ay dalka dib ugusoo celinayso dadka aqaliyadda Yahuudda ee tobanaan sano ka hor wadanka laga eryay.


Wasiirka arrimaha diinta ugu magacaaban xukuumadda dabadhilifka Suudaan ninka lagu magacaabo Nasrudiin ayaa shaaciyay in ay dib usoo celin doonaan dadka Yahuudda, isagoo waraysi siinayay Telefeshinka Al Carabiya ee dowladda Sacuudiga ay maalgeliso ayuu tallaabadan ku sheegay mid qeyb ka ah hanaanka calmaaniyadda ee wadanka looga dhawaaqay.

Wasiirkan ayaa ballan qaaday in ay dib udhisi doonaan Kaniisadaha Yahuudda iyo Kirishtaamla islamarkaana ay gacan ka geysan doonaan sidii loo heli lahaa goobo ay ku cibaadaystaan dadka kala diimaha ah sida uu hadalka u dhigay.

 
"Dowladda Madaniga ah ee Suudaan waxay ka shaqeyn doontaa tasaamuxa diimeed ee muwaadiniinta Suudaan, baaqa aan ujeedinay in Yahuuddu dib ugusoo laabato wadanka wuxuu qeyb ka yahay furfurnaanta diimeed ee aan qaadayno" ayuu yiri wasiirkan katirsan Xukuumadda Al Khurduum.

Dhinaca kale Cabdalla Xamduuk oo ah R/wasaaraha KMG ah ee xukuumadda Suudaan ayaa xaqiijiyay in dowladdiisu ay ugacan haatisay dadka Yahuudda ee horay u deganaa wadanka, isagoo wareysi siinayay telefeshinka Al Jaziira ayuu carabaabay in dib usoo laabashada Yahuudda ee Suudaan qeyb ka tahay xaqqa uu leeyahay muwaadin walba oo Suudaani ah sida uu ku hadaaqay ninkan calmaaniga ah.

Tallaabadan ay qaadday xukuumadda Suudaan ayaa larumeysanyahay in ay tahay mid ay raalli ahaanshiyo uga raadsanayso dowladda Mareykanka oo xukuumaddii Al Bashiir kusoo rogtay xayiraado dhanka dhaqaalaha ah.

Caddeymahan kasoo yeeray xukuumadda cusub ayaa ka caraysiisay muslimiinta wadanka Suudaan oo caan ku ah naceybka ay uqabaan dadka Yahuudda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items