Xarakada Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Madaafiic ah oo Lagu Qaaday Madaxtooyada Villa Somalia.

Wednesday September 11, 2019 - 08:11:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarakada Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Madaafiic ah oo Lagu Qaaday Madaxtooyada Villa Somalia.

    Xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa markale weerar madaafiic ah dharaar cad kala kulantay Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa markale weerar madaafiic ah dharaar cad kala kulantay Al Shabaab.

Maanta duhurkii ayaa jugta qaraxyo xooggan laga maqlay dhanka degmada Wardhiigleey oo ay kutaal xarunta ugu weyn ee dowladda Federaalka ay ku leedahay dalka Soomaaliya.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay Mas'uuliyadda Weerarkii maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho iyadoona xaqiijisay in dhowr madfac lala helay gudaha xarunta.

Sarkaal u hadlay Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in 5 madfac ay ku weerareen madaxtootada Villa Somalia oo xarun u ah madaxda ugu sarraysa dowladda islamarkaana qaar ka mid ah madaafiicda ay ku dhaceen gudaha madaxtooyada.

 

Al Shabaab waxay sheegtay in weerarkan uu qeyb ka yahay howlgallada 'Mujaahidiinta' ee magaalada Muqdisho, ilo wareedyo lahelay ayaa sheegaya in madaafiicda lala helay bartilmaameedyo muhiim ah oo katirsan Villa Somalia.

Warar soo baxay ayaa sheegayay in mid kamida madaafiicda uu ku dhacay dhismaha safaaradda dowladda Xabashida Itoobiya ay ku leedahay nawaaxiga xarunta madaxtooyada balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan madaafiicda ah.

Weerarkan lagu qaaday madaxtooyada Muqdisho ayaa imaanaya xilli xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay sheegtay in ay sugtay ammaanka degmooyinka gobolka Banaadir waxaana xusid mudan in maalin ka hor ay Muqdisho ka dhaceen dilal iyo qaraxyo lala beegsaday gaadiid ay la socdeen saraakiil katirsan ciidamada dowladda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items