Trump oo Cayriyay John Bolton lataliyihiisi dhanka Ammaanka.

Tuesday September 10, 2019 - 10:39:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo Cayriyay John Bolton lataliyihiisi dhanka Ammaanka.

    Si lama filaan ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqadii uu hayay ka eryay lataliyihiisi gaarka ahaa ee uqaabilsanaa amniga qaranka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si lama filaan ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqadii uu hayay ka eryay lataliyihiisi gaarka ahaa ee uqaabilsanaa amniga qaranka.


Farriimo dhowr ah oo uu Trump ku faafiyay bartiisa Twitterka ayuu ku eryay John Bolton oo ahaa shakhsi si weyn uga dhax muuqday siyaasadda Trump uu ku wajahayo arrimaha xasaasiga ah.

Trump ayaa yiri "John Bolton waxaan habeen hore usheegay in shaqadiisa aan laga rabin aqalka cad aad baana ugu khilaafay arrimo badan oo ku aaddan talooyinkiisa si lamid ah wixii ay horay usameeyeen kuwa maamulka katirsanaa".

Madaxweynaha Mareykanka oo bilihii dambe lasoo shir tagay gibi dhaclayn dhanka siyaasadda iyo amniga ah ayaa wajahaya culeysyo dhan walba ah, John Bolton oo isna ka jawaabay warka kasoo yeeray Trump ayaa sheegay in isagu uu habeen hore iscasilaad usoo bandhigay balse Trump uu ku yiri "arrintaas berri ayaan ka doodaynaa".

 

John Bolton oo ah dagaal ooge kaalin weyn ku lahaa duullaankii G.W.Bush uu ku qaaday wadamada Afghanistan iyo Ciraaq ayaa dhowr mar Trump kula taliyay in uu weerar ku qaado dowladda Shiicada Iiraan waxaana larumeysanyahay in uu Trump siiyay talooyin qalaanqal dhan walba ah lugaha ugeliyay Mareykanka sida dagaalka dhanka dhaqaalaha ah ee Washington ay ku iclaamisay Shiinaha.

Tobanaan kamid ah mas'uuliyiinta Aqalka cad ayaa shaqada isaga tagay tan markii uu Trump madaxweynaha noqday halka kuwa kale shaqada laga eryay kadib markii ay isqabteen Trump oo ay dhaleeceeyeen siyaasaddiisa maamul.

Related Items