Qaraxyo gaadiid looga gubay ciidamada Burundi oo ka dhacay duleedka degmada Balcad.

Tuesday September 10, 2019 - 10:37:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo gaadiid looga gubay ciidamada Burundi oo ka dhacay duleedka degmada Balcad.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya silsilado qaraxya ah oo markale ciidamada shisheeye lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya silsilado qaraxya ah oo markale ciidamada shisheeye lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Shabeellaha dhexe.


Ugu yaraan laba gaari oo mid kamida uu ahaa gaari gaashaaman ayaa ciidamada Burundi looga gubay illaa 2 qarax oo shalay gelinkii dambe lagula beegsaday deegaanka Gololeey oo qiyaastii 7 KM dhanka Waqooyi uga beegan degmada Balcad.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa koowaad uu haleelay gaari Taaw ah oo ay la socdeen ciidamo AMISOM katirsan halka qaraxa kale uu mar qura haleelay gaari Xamuul ah oo sahay usiday ciidamada shisheeye.
 


Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxyadu ay burbur xooggan gaarsiiyeen gaadiidka lala beegsaday waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamadii Burundi ee gaadiidka la socday.

Maalin ka hor ayay aheyd markii qaraxyo ka dhacay deegaanka Buurane ee duleedka Mahadaay lagu dilay ugu yaraan 5 askari oo katirsanaa ciidamada Burundi, gobolka Shabeellaha dhexe ayaa kamid ah meelaha ay ka dhacaan dagaallada lagu dhiig bixinayo ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items