Ururka 'Xisbullaah' oo dhulka soo dhigay diyaarad uu leeyahay maamulka Yahuudda.

Monday September 09, 2019 - 10:54:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka 'Xisbullaah' oo dhulka soo dhigay diyaarad uu leeyahay maamulka Yahuudda.

    Wararka ka imaanaya mandiqadda Shaaam ayaa sheegaya in markale madaafiic laysku weydaarsaday xuduud beenaadka ay wadaagaan wadamada Lubnaan iyo Filasdiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya mandiqadda Shaaam ayaa sheegaya in markale madaafiic laysku weydaarsaday xuduud beenaadka ay wadaagaan wadamada Lubnaan iyo Filasdiin.


Ururka isku magacaabay Xisbullaah ayaa ku dhawaaqay in ay dhulka soo dhigeen diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ah oo uu lahaa maamulka Yahuudda ee xoogga ku heysta dhulalka Filasdiin.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xisbiga Iiraan ee dalka Lubnaan ayaa lagu sheegay in wax uu ugu yeeray Xoogaga muqaawamada ay beegsadeen diyaarad Drone ah oo yahuuddu leedahay daqiiqado kadib markii ay kasoo gudubtay xuduud beenaadka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in diyaaradda lagusoo riday hawada degmada Raamiyaha ee dhacda Koonfurta Lubnaan, Xisbiga Iiraan wuxuu sheegay in burburka diyaaradda uu gacanta ugu jiro xoogagooda ayna wadaan baaritaanno ku aaddan qalabka diyaaradda ku rakiban.

 

Dhinaca kale Yahuudda ayaa xaqiijisay in diyaarad loogasoo riday xuduudda Lubnaan, Afhayeen u hadlay waxa loogu yeero Melleteriga Israa'iil ayaa si kooban u yiri "Waa jirtaa diyaarad Drone ah oo Israa'iil loogasoo riday xuduudda Lubnaan xilli ay ku guda jirtay howl caadi ah".

Saraakiisha Yahuudda waxay aad u yareeyeen warka soo rididda diyaaradda iyo muhiimadda diyaaradda Drone-ka ah ee lagasoo riday "waxay iska aheyd diyaarad yar oo nuuca gacanta lagu socodsiiye ah" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Afhayeenka u hadlay ciidanka Yahuudda.

Markii diyaaradda lasoo riday kadib ayaa jugta madaafiic xooggan laga maqlay tuulooyinka ay isku horfadhiyaan maleeshiyaadka Ururka Xisbullaah iyo ciidamada Yahuudda balse lama oga in dhinacyadu madaafiic isdhaafsadeen iyo inkale.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items