Sawirro: Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn oo Billad Sharafeed Guddoonsiiyay Hoggaamiye Islaam Naceyb ku caan baxay.

Monday August 26, 2019 - 07:42:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn oo Billad Sharafeed Guddoonsiiyay Hoggaamiye Islaam Naceyb ku caan baxay.

    Dowladaha dawaaqiidda Carabta Khaliijka ayaa sare uqaaday isgarab ka taagga duullaanada lagu qaaday caalamka islaamka iyo gummaadka lagu hayo dadka muslimiinta meel walba oo ay joogaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladaha dawaaqiidda Carabta Khaliijka ayaa sare uqaaday isgarab ka taagga duullaanada lagu qaaday caalamka islaamka iyo gummaadka lagu hayo dadka muslimiinta meel walba oo ay joogaan.

Dhaxal sugaha dowladda Imaaraatka Carabta ahna wasiirka arrimaha dibadda ninka lagu magacaabo Max'med Bin Zaayad ayaa billad sharafeed dahab ka sameysan guddoonsiiyay Narendra Modi oo ah R/wasaaraha Hindiya.

Narendra Modi oo booqasho ku tagay magaalada Abu Dubai ayaa dowladda Imaaraatka ku tilmaamay dowlad ka shaqeysa wax uu ugu yeeray iscafinta diimaha.

Dhinaca kale dowladda Baxrayn ayaa iyana billad tan lamid ah guddoonsiisay R/wasaaraha Hindiya, munaasabad ka dhacday magaalada Al Manamah oo ah caasimadda Baxrayn ayuu Boqorka wadankaas Xamad Bin Ciisa billad sharafeed ku guddoonsiiyay Narendra Modi.

 


Labadan dowladood ee carabta ah ayaa tallaabadan qaaday laba isbuuc kadib markii ay Hindiya soo saartay qaraar muslimiinta gobolka Kashmiir dulli iyo gummeysi u horseedaya.

Farriimo dhowr ah oo dhalinyaro muslimiin ah ku faafiyeen baraha bulshada ayay ku dhaleeceeyeen tallaabada Imaaraatku qaaday ee uu ku karaameeyay R/wasaaraha Hindiya oo kasoo jeedo xisbiga Hinduuska islaam naceynku ku fogaaday.








Related Items