Al Shabaab Oo magaalada Muqdisho ku dishay Xoghayihii hore ee maamulka gobolka Banaadir.

Sunday August 25, 2019 - 07:47:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo magaalada Muqdisho ku dishay Xoghayihii hore ee maamulka gobolka Banaadir.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo bartamaha magaalada Muqdisho lagula beegsaday gaari uu la socday mid kamida mas'uuliyiintii hore ee maamulka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo bartamaha magaalada Muqdisho lagula beegsaday gaari uu la socday mid kamida mas'uuliyiintii hore ee maamulka gobolka Banaadir.


Qarax maanta gelinkii dambe ka dhacay isgoyska KM4 ee degmada Hodon ayaa sababay dhimashada Amiin Sheekh Cilmi oo horay usoo noqday xoghayaha gobolka Banaadir.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in qarax xooggan uu haleelay gaariga Amiin Sheekh Cilmi isagoo isla goobta ku dhintay, Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda qaraxan.
 

Sido kale Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qarax saaka gaari ciidan lagula beegsaday xaafadda Taleex ee degmada Hodon waxaana qaraxaas ku dhintay askarigii darawalka ka ahaa.


Al Shabaab ayaa bishii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ku dishay mas'uuliyiintii ugu sarraysay maamulka gobolka Banaadir oo uu kamid ahaa Cabdi Raxmaan Yariisoow guddoomiyihii gobolka iyo qaar kamid ah lataliyayaashiisi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items