Ciidamada Jabuutiyaan ah iyo Maleeshiyaad katirsan maamulka 'Hirshabeelle' oo lagu weeraray gobolka Hiiraan [Warbixin].

Sunday August 25, 2019 - 07:44:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Jabuutiyaan ah iyo Maleeshiyaad katirsan maamulka 'Hirshabeelle' oo lagu weeraray gobolka Hiiraan [Warbixin].

    Xoogaga Al Shabaab ayaa ka hor tagay dhaq dhaqaaqyo ay ciidamo huwan ah ka sameeyeen deegaanno hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa ka hor tagay dhaq dhaqaaqyo ay ciidamo huwan ah ka sameeyeen deegaanno hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo xooggan ay ka dhaceen wadada laamiga ah ee xiriirisa degmooyinka Buula Burde iyo Jalalaqsi, xoogaga Al Shabaab ayaa weerar dhabbagal ah u dhigay ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Jimbileey.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay maqleen jugta qarax xooggan oo lagu burburiyay gaari ay wateen ciidamada Jabuuti kadibna waxaa xigay iska hor'imaadyo fool ka fool ah.
 


Sidoo kale dagaal culus ayaa maanta gelinkii dambe ka dhacay inta udhaxaysa deegaanka Buurweyn iyo degmada Buula Burde, warar laga helay deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo Jabuutiyaan ah iyo maleeshiyaad katirsan maamulka Hirshabelle ay lakulmeen weerar jidgal ah oo uga yimid xoogaga Al Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamadii huwanta ahaa ee maanta dhaq dhaqaaqyada ka sameeyay duleedyada degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula Burde lagu qasbay in ay dib ugu gurtaan saldhigyadii ay kasoo duuleen.

Xoogaga Al Shabaab ayaa maamulayay dhammaan deegaannadii lagu dagaallamay ee gobolka Hiiraan balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalladii iyo qaraxyadii maanta dhacay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items