Al Shabaab Oo Weerar khasaara dhaliyay ku qaadday ciidamo katirsan Dowladda Federaalka.

Tuesday August 20, 2019 - 09:19:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar khasaara dhaliyay ku qaadday ciidamo katirsan Dowladda Federaalka.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabagal ah oo lagu beegsaday maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo ka dhacay deegaan katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabagal ah oo lagu beegsaday maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo ka dhacay deegaan katirsan Sh/Hoose.

Wararka ka ka imaanaya wadada xiriirsa deegaanka Sabiid iyo degmada Awdheegle ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay weerareen maleeshiyaad katirsan Dowladda xilli ay wateen mooto.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarku uu haleelay illaa sedax askari oo kusii jeeday dhanka degmada Awdheegle, xoogaga Al Shabaab ayaa weerarka ku dilay askari waxayna qabsadeen Mootadii ay askartu wateen iyo hubkii ay ka carareen maleeshiyaadka labeegsaday.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadkii Mareykanka iyo Turkiga ay tababareen ee isbuucyadii lasoo dhaafay la geeyay deegaanno katirsan Sh/Hoose ay wajahayaan xaalad go'doomin ah waxaana waddooyinka ka jaray xoogaga Al Shabaab.

 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items